Hey’ada SWSO iyo Wasaarada Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah kaa oo ay Wasaarada kula wareegeysay Guddi ka kooban 45 xubnood kuwaa oo ay hey’ada SWSO u soo tababartay Xalinta khilaafaadka dhulka iyo u qareemida dhibanayaasha.

Guddigaan 45 Xubood ka kooban ayaa waxaa ay hoostagi doonaan oo ay si mutadabacnimo kula shaqeyn doonaan Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta Dowlad Goboleedka Jubaland iyagoo shaqadooda ku dabaqi doona Xirfadooda iyo Tacliintii mudada shanta sano ah ay soo siineysay heya’da SWSO.

 Madaxa hey’ada SWSO Zuhuur Yuusuf beynah ayaa Wasaaradda ka codsatay in ay Guddigaan si dhaw ula shaqeyaan, fursadaha soo baxa  ee dhanka aqoon kororsiga iyo shaqooyinka looga faaideyo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, dib u dhiska iyo Guryeynta Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Maxamed Wali Cali oo Wasaarada u saxiixay heshiiska ayaa hey’ada SWSO uga mahadceliyey dadaalka ay guddiga ku bixisay sidoo kale ku amaanay hey’ada SWSO, Garab istaaga hey’ada Dowlada wuxuuna balan qaaday in guddiga aqoontooda iyo xirfadooda ay ka faaideysan doonto Wasaarada ayna ku soo beegmeen xili baahi weyn loo qabo helida Guddi khilaafaadka dhulka wax ka qaban kara aqoona u leh.

SWSO

By SWSO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *