Waxaa Hay’adda Somali Women Soldarity Organization -SWSO maanta Kismaayo kusoo afmeertay tababar loo qabtay Daladda Dhalinyarada Nabadeynta Degmada Kismaayo oo ka kooban ilaa 30 isugu jira hablo iyo wiilaal, kuwaas oo ka shaqeyn doona nabadeynta, dib udhiska bulshada iyo horamarinta da’ayarta.
Barnaamijkaan oo ay fududeysay Life & Peace Institute ayaa waxaa fulineysay hay’ada Midnimada Haweenka Soomaliyeed ee SWSO oo inta badan ka hawlgasha Jubbaland, ayadoo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Jubbaland kaashaneysa.