23 – July – 2022: Waxaa Hay’adda Somali Women Soldarity Organization -SWSO u qabatay tababar ku saabsan ka shaqaynta nabada deegaanka Daladda Dhalinyarada Nabadeynta Degmada Kismaayo oo ka kooban ilaa 30 ruux oo isugu jira hablo iyo wiilaal.
Aqoon kororsigaan oo ay furtay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Marwo Faadumo Macalin Cabdikariim ayaa waxaa fududeysay hay’ada Midnimada Haweenka Soomaaliyeed ee SWSO, ayadoo kaashaneysa Machadka Life & Peace Institute, waxa uuna qorshuhu yahay sidii loo hormarin lahaa dib u dhiska bulshada halkan iyo deegaanada ku xeeeran.