Hey’ada SWSO iyo Wasaaradda Haweenka, arimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka ayaa Maanta Kala saxiixday Heshiis. Hey’ada SWSO ayaa waxaa ay Maanta Wasaaradda Haweenka Arimaha Qoyska iyo Xuquuqul insaanka Jubaland ku wareejisay Guddi ka kooban 42 Xubnood kuwaa oo ay Hey’ada Mudo Shan sano ah siisay tababar ku saabsan Xal u helida iyo kahortegidda Shaqaaqooyinka Qoyska.Guddigaan oo laga soo kala xulay xaafadaha Kismayo ayaa waxaa ay mudo shan sano ah la soo sano ah si mutadabacnimo ah ugu soo shaqeynayeen Bulshada waxaana dhanka aqoonta iyo xirfadaha xalinta Qilaafaadka qoyska usoo tababartay hey’ada SWSO.Hey’ada SWSO ayaa markey ogaatay tayada,kartida iyo Aqoonta Guddiga ayaa waxaa ay go’aansatay in ay Guddiga Xalinta Shaqaaqoyinka Qoyska ku wareejiso Wasaaradda Haweenka, arimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka si ay Wasaarada ugala shaqeeyaan Kiisaska Ku saabsan Qilaafaadka Qoyska.Wasiirka Wasaaradda Haweenka, arimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka Jubaland Marwo Cadar Ismail Jurati oo kulankaa goobjoog aheyd isla markaana Saxiixaha Heshiiska is af garadka aheyd ayaa hey’ada SWSO uga mahadcelisay dadaalka ay ku bixisay soo saarida Guddigaan waxaana ay sidoo kale sheegtay in ay guddiga ku soo beegmeen xili loogu baahi badanyahay arimaha la xiriira Qilaafaadka qoyskana ay sii badanayaan.Wasiir Cadar Ismail ayaa hey’ada SWSO iyo deeq bixiyaha barnaamijkaan ee SAFER WORLD ka codsatay in barnaamijkaan halkaan looga harin lana sii joogteeyo si loo helo guddiyo kale oo dabooli kara baahiyaha deegaanada Jubaland.Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Kismayo Mudane Cabdullahi Maxamed Cabdi (Cabdullahi Gaab). Ayaa Soo dhaweeyey heshiiska is af garadka ah ee dhex maray Wasaarada iyo hey’ada SWSO wuxuu fariin u diray hey’ada SWSO deeq bixiye yaasha isagoo ugu baaqay in la sii xoojiyo mashaariicda lagu soo saarayo guddiyada kala duwan ee bulshada wax tarka u leh kuwaa oo marwaliba garab istaagi kara Dowlada hey’adeheeda kala duwanUgu dambeyn Madaxa hey’ada SWSO Zuhur Yussuf beinah ayaa u mahadcelisay Wasaarada Haweenka, arimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka Dowlad Goboleedka Jubaland waxaana ay goobta ka sheegtay in ay jiraan Guddiyo kale oo dhawaan hey’ada SWSO ay ku wareejin doonto Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Jubaland kuwaa oo door muuqda ka qaadan doono hormarka iyo dardar gelinta hawlaha hey’adaha Dowlada.Kulanka ayaa markuu soo idlaaday waxaa si wada jir ah heshiiska is af garadka u wada saxiixay Wasiirka Wasaarada Haweenka arimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka Dowlad Goboleedka Jubaland Marwo Cadar Ismail Jurati iyo Madaxa hey’ada SWSO Zuhur Yussuf Beinah.