Hey’ada SWSO oo kaashaneysa Wasaaradaha haweenka arimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka jubaland, hey’ada LPI iyo hey’ad Safer World ayaa waxaa ay maanta Xustay maalinta caalamiga ee nabadda aduunka Munaasabaddaan ayaa waxaa ka soo qeebgaleen Masuuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka jubaland oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Baaralamaanka Jubaland sheekh Cabdi Maxamed cabdirahmaan, Wasiirka Wasaarada Haweenka arimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka jubaland Marwo Cadar Ismail Cujarti, Wasiirka wasaarada Dhalinyarada juabalnd Mudane Aweys Maxamed Xuseen, Wasiirka Wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta ee dowlad goboleka jubaland Mudane Maxamed Yuusuf aw Cumar, Wasiirka wasaarada amniga Dowlad goboleedka jubaland Generaal Yuusuf Cismaan (Dhuumaal) iyo Qaar kamid ah Xildhibaanda Dowlad Goboleedka jubaland.Munaasabada ayaa intay socotay Masuuliyiintii khudbadaha ka jeediyey madasha ayaa waxaa ay xuseen muhiimada ay nabadu u leedahay shacabka reer jubaland cid walibana ay waajib iska saarto hormarinta nabada. Munaasabadaan ay soo agaasintay hey’ada swso ee lagu xusayey maalinta caalamiga ee nabadda aduunka ayaa ku soo idlaatay si wanaagsan waxaana soo xiray af hayeenka golaha shacabka dowlad goboleedka jubaland.

SWSO

By SWSO

Leave a Reply