Hey’ada SWSO ayaa waxaa ay Magaalada Kismayo Ku soo gabagabeysay Tababar labo maalmood socday oo ujeedkiisu ahaa Qorsheynta iyo u doodista Qoondada Haweenka Jubaland.

Tababarkaan ayaa waxaa ka soo qeebgaleen Qaar kamid ah dalada haweenka jubaland kuwaa oo Haweenka guud ee jubaland Madasha ku matalayey. Kulanka ayaa Mudadii uu socday waxaa ka soo qeebgalay oo sualo lagu weydinayey shaqsiyaad kala matalayey Odeyaasha dhaqanka jubaland, Haweenka Musharaxiinta, Bulshada rayidka. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubaland Mudane Siyaad Maxamed Mursal,Caasho Cabdullahi Siyaad oo ka socota Guddiga xaqiijinta Qoondada Haweenka ee Doorashooyinka, Wasiirka Wasaarada Haweenka, xuquuqul insaanka Jubaland Marwo Cadar Ismail Jurati iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada arimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubaland Mudane Aadan Gaarane.

Haweenkii kulanka ka soo qeebgalay ayaa waxaa ay sual ku aadan Xaqiijinta qoondada Haweenka weydiyeen Masuuliyiinta lagu marti qaaday kulanka Sualo iyo jawaabo la is dhaafsaday kadib ayaa waxaa la wada xaqiijiyey in odeyaasha iyo cid waliba oo ay ka go’do xoojiyaan xaqiijinta qoondada haweenka doorkaana jubaland ay qaadato masuuliyadii Buuxinta qoondada haweenka.

Kulankaan ayaa waxaa soo agaasintay hey’ada swso oo kaashaneysa Hey’ada LPI.

SWSO

By SWSO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *