Guddiga Wax qabadka bulshada ee xaafadaha Kismayo ayaa waxaa ay bishiiba labo jeer isugu yimaadaan kulan kaa oo ay ku dejiyaan Qorshahooda hormarineed ee arimaha bulshada ee ay shacabka xaafadaha kismayo ay u hayaan.
Guddigaan ayaa laga soo xulay Shanta xaafadood ee Kismayo iyo Xaafada cusub ee New Kismayo oo ay deganyihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dib uga soo laabtay xeryaha qaxootiga ee dhadhaab.
Xaafad waliba ayaa waxaa ka dhisan Guddi ka kooban Labaatan xubnood oo rag iyo dumar isku dheeli tiran ah Waxaana si gaar ah looga soo kala xulay Dhalinyarada, Culumada,Haweenka Odeyaasha Xaafadaha Dadka laga tirada badanyahay, barakacayaasha iyo Muwaadiniinta soomaaliyeed ee Xeryaha Dhadhaab ka soo laabtay. Guddiga ayaa waxaa Tababar ku saabsan xalinta qilaafaadka, Waxqabadka bulshada iyo hormarinta xiriirka bulshada siisay hey’ada SWSO oo kaashaneysa hey’ada Safer World.
Ujeedka guud ee hey’ada SWSO ay u aas aastay Guddigaan ayaa ah Xoojinta xiriirka Bulshadda. Xalinta iyo yareynta shaqaaqooyinka qoyska, Xalinta Muranka iyo isqabqabsiga ka dhasha dhulalka iyo sidoo kale ciribtirka isticmaalka Muqaadaraadka.
Tan iyo markii la aas aasay Guddigaan ayaa waxaa sii xoogeystay Xiriirka iyo wada shaqeynta bulshada dhexdeeda iyadoo xal laga gaaray ama la yareeyey wax waliba oo halis u keeni kara bulshada.
