Isu xilqaamida xalinta khilaafaadka iyo xal u helida xal waara ayaa udub dhaxaad u ah xasiloonida iyo Nabada. Bulsho waliba oo heshiis ka gaarta khilaaf walba oo dhexdooda soo gala waxaa hubaal ah in ay gaarayaan Nabad gelyo waarta, horumar isdhexgal bulshad.
Hadaba Guddiga wax qabadka CAF ee WAMO oo ka duulaya muhiimada ay nabadda bulshada u leedahay, ayaa dadaal dheer kadib soo af jaray khilaaf u dhexeeya dad barakacayaal ah oo ood wadaag ah isla markaana ku kala nool kaamamka Jabriil iyo maana muufo.
Qoysaskaan barakacayaasha ah ayaa waxaa dhawr jeer soo kala dhex galay khilaaf ka dhashay Biyaha ay keenaan Booyadaha waxaana ka dhashay dagaal dad badan ay ku dhaawacmeen.
Guddiga Waxqabadka CAF WAMO oo ay hey’ada SWSO Tababar u siisay xalinta khilaafaadka iyo nabadeynta bulshada oo maqlay dhibaatada ka dhex taagan qoysaska barakacayaasha ah, ayaa Gaaray kaamamka jabriil iyo maana muufo waxaana ay wada hadalsiyeen Guddiga labada kaam khilaafkii dhex yaalayna laga gaarey heshiis dhab ah.
Ugu danbey waxaa isla goobtaas lagu gaarey go aan ah in ladhiso gudi xaliyo khilaafaadka Arrimaha qoysaska degan kaamamka kuwaas oo lashaqeyndoona CAFs guud ahaan, wixii ku adkaadana ay marka hore uwada xalindoonaan si wadaag ah.
Ugu horeen waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha gudiga caf Jamaal cabdi xuseen wuxuuna ka hadlay nabadeynta ay dhex dhigeen qoysaska labada kaam kaladegan.

Labada gudoomiye ee kaamamka jabriil iyo maana muufo ayaa dhankooda soo dhaweyey dadalka ay gudiga u galeen xal u helista qilaafka ka dhexeyey.
Ugu dambeyn Gudiga caaf wamo, Gudiga kaamamka loo dhisay iyo qaar kamid ah dadka kaamamka ku nool ayaa waxa ay si wada jir ah u daawadeen tartan kubada cagta ah oo Gudiga kaaf ay u qabteen dhalinyarada xaafadaas si loo sii xoojiyo is dhexgalka dhalinyarada.